NISA oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay Afgooye

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku qabtay labo xubnood oo ka tirsan  Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee NISA, mid ka mid ah xubnaha la qabtay ayaa ahaa horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaadna uu ahaa xubin sirdoon oo ka tirsanaa kooxda, kaasoo xog aruurin iyo qorsheynta dilalka qarsoon ka waday gudaha magaalada.

NISA waxay sheegtay in qabashada horjoogahan ay daba socoto digniin rasmi ah oo ay soo saartay 20-kii Luuliyo, taasoo lagu sheegay in uruurinta iyo bixinta lacagaha baadda ahi ay tahay maalgelin argagixiso, isla markaana ay ka hor imanayso sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Taliska NISA ma soo bandhigin magaca labada xubnood iyo sawirada xubnaha la khaarijiyay

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles