Al-shabaab oo muddo sanado ah kadib la wareegay Degmada Maxaas

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan oo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab saakay  ay ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo birta mudan  oo u dhaxeeya degamada Maxaas iyo deegaanka Wabxo oo kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku geeriyooday Taliye Maxamed Shidane Afrax oo ahaa taliyihii nabad sugida e degmada cadaado, waxaana sidoo kale ku dhintay seddex askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iyaguna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka.

Dhinacyada dhowr jeer dagaal culus ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas, kadib markii maleeshiyada ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen degmadaasi,

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab  ay 15 Sano kadib la wareegeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan oo ay seddex jiho kasoo weerareen, sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah.

La wareegistan ayaa ka dambeysay kadib dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dadka iyo AS uu ku dhexmaray deegaanka Birta oo ah Soohdinta kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Al-shabaab muddo ma aysan tagin degmada, waxaana maamulayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, waxaayna aheyd degmada si weyn looga difaacay kooxda.

Sanadkii 2024 ayay aheyd markii ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhiyadii ay ku lahaayeen degmada Maxaas.

La wareegista Al-shabaab ee Magaalada Maxaas ayaa imaanaya xili dhawaan maleeshiyaadka ay la wareegeen degmada Moqokori iyo deegaanka Tardo oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles