Wasiir Fiqi ” Maamulka Waqooyi Barri wuxuu yareeyay rajadii gooni-goosadka”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhismaha Maamulka Cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay maamul ku yimid rabitaanka shacabka, loona maray marxalado adag oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka cusub uu yahay mid macno iyo maamuus u leh midnimada dalka Soomaaliya, islamarkaana uu tusaale wanaagsan u yahay dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dhismaha dowladnimo iyo ilaalinta midnimada qaranka.

“Ma aha maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid, mana aha mid qeyb ka ahaa qorsheyaal shisheeye. Waa maamul muujiyay biseyl siyaasadeed iyo karti dadweyne. Wuxuu bilay midnimada dalka, wuxuuna yareeyay rajadii gooni-goosadka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale rajo wanaagsan u rajeeyay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka cusub ee Waqooyi-Bari, isagoo ku duceeyay in maamulkaasi u horseedo nabad, iyo horumar waara..

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa imaanaya xilli dowladda federaalku si rasmi ah ugu dhawaaqday dhismaha Maamulka Waqooyi-Bari oo xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood, kadib shir qaran oo ay ka qeybgaleen ergooyin ka kala socday gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles