Monday, September 1, 2025

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta ka shiray dagaalkii ka dhacay Beledxaawo

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho laโ€™aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles