Monday, September 1, 2025

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si casri ah loo dhisayo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saakay dhagax-dhigay xarunta degmada Xamarweyne oo lagu sameenayo dib u dhis iyo casriyeyn.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka goโ€™an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isaga oo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta qorshaha degmo tusaale ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaafdir in xarunta degmada Xamarweyne ay tahay mid fac weyn oo sannado badan lagu soo shaqeeyay, waxa uuna tilmaamay in xarunta hadda loo dhisi doono qaab casri ah looguna adeegi doono bulshada degmada.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeeno katirsan maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maamulka degmada Xamarweyne, agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Xamarweyne.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles