Saturday, June 14, 2025

Sheekh Shariif oo si kulul u eedeeyay DFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saakay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligan ka taagan, isagoona eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Sheekh Shariif ayaana sheegay in xilligan dalku ku jiro xaalad adag marka loo eego dhinaca ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka, waxa uuna sheegay dowladda hadda jirta uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ka gaabisay la dagaallanka argagaxisada iyo ka shaqeynta doorashada.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in dowladda ka gaabisay la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo dalka khatar amni ku ah, waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ka gaabisay qabashada doorashada , gaar ahaan doorashooyinka dowlad goboleedyada oo waqtigooda la dhaafay.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in meesha looga saaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, laguna dhiso ciidan gaar ah oo ka shaqeenaya danaha koox iyo shaqsiyaad gaar ah , sida uu tilmaamay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles