Sheekh Shariif oo si kulul u eedeeyay DFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saakay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligan ka taagan, isagoona eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Sheekh Shariif ayaana sheegay in xilligan dalku ku jiro xaalad adag marka loo eego dhinaca ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka, waxa uuna sheegay dowladda hadda jirta uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ka gaabisay la dagaallanka argagaxisada iyo ka shaqeynta doorashada.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in dowladda ka gaabisay la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo dalka khatar amni ku ah, waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ka gaabisay qabashada doorashada , gaar ahaan doorashooyinka dowlad goboleedyada oo waqtigooda la dhaafay.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in meesha looga saaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, laguna dhiso ciidan gaar ah oo ka shaqeenaya danaha koox iyo shaqsiyaad gaar ah , sida uu tilmaamay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo...

Xasan Sheekh”Israel waxay qorsheynaysaa saldhig ciidan oo badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay MW Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

DFS oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles