Friday, April 17, 2026

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si casri ah loo dhisayo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saakay dhagax-dhigay xarunta degmada Xamarweyne oo lagu sameenayo dib u dhis iyo casriyeyn.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isaga oo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta qorshaha degmo tusaale ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaafdir in xarunta degmada Xamarweyne ay tahay mid fac weyn oo sannado badan lagu soo shaqeeyay, waxa uuna tilmaamay in xarunta hadda loo dhisi doono qaab casri ah looguna adeegi doono bulshada degmada.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeeno katirsan maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maamulka degmada Xamarweyne, agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Xamarweyne.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay Madasha Diblumaasiyadda Antaalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid...

DFS oo ku hanjabtay inay xayiraad ku soo rogi doonto Marinka Bab-el-Mandeb

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag u cambaareeyay safiir Israel u magacowday Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles