Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulamo looga hadlayo la dagaalanka Alshabaab ka wada degmada Afmadow

Madaxwweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi ka billaabaya kulamolagu dardar gelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo degaanka Harboole, halkaas oo dhawaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay dagaal xoogan kula galeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo la qaato Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda duleedka degmada Afmadow, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaannada hoostaga degmada Afmadow.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Afmadow iyo sarakiisha Ciidamada eek u sugan, iyaga oo ka wada hadlau sugida amniga degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa weerarada Al-Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu dalacsiin doono qaar kamid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan degaanka Harboole, kuwaas oo dhawaan ku jebiyay Al-Shabaab oo dagaal kusoo qaaday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles