Itoobiya oo looga dhawaaqay 3 maalin oo Baroordiiq ah

Dalka Itoobiya qeybo kamid ah dhawaan waxaa ka dhacday musiibo sababtay in ay dhintaan dad ka badan 256-qof , kaddib markjii roobab mahiigaan ah oo watay dabeylo oo da’ay  sababeen in uu dhulka go’ ayna aasmaan dad iyo duunyo.

Musiibada ka dhacday dalka Itoobiya ayaana sababtay in ay aasmaan ayna dhintaan dad gaaraya 257-qof ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaa sidoo kale jiray dad kale oo la badbaadiyay oo musiibadan waxyeelo kale kasoo gaartay.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay oo Jimco aheyd ku dhawaaqday saddex maalin oo baroordiiq qaran ah, waxaana calanka dalkaasi loo dhigay hoos, si loo xasuusto loona xushmeeyo dadkii tirada badnaa ee ee ku dhintay dhul go’a dhacay.

Baroordiiqda ayaana dalka Itoobiya ka bilaabaneysa maanta oo Sabti ah, waxaana deegaanka musiibada ka dhacday dowladda wali ka wadaan howlo samatabbixin iyo gargaar ah, waxaana lala tacaalayaa dadkii ka badbaaday musiibada halkaasi ka dhacday,.

Deegaanka dhibaatada ka dhacday waxaa gaaray dad badan oo ka murugeysan eheladooda halkaasi ku dhintay, waxaana dadka ku dhintay musiibada laga soo saaray dhoobada hoosteeda , kaddib markii dhulka la go’ay ayna aasmeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo...

Xasan Sheekh”Israel waxay qorsheynaysaa saldhig ciidan oo badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay MW Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

DFS oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles