Saturday, June 14, 2025

Itoobiya oo looga dhawaaqay 3 maalin oo Baroordiiq ah

Dalka Itoobiya qeybo kamid ah dhawaan waxaa ka dhacday musiibo sababtay in ay dhintaan dad ka badan 256-qof , kaddib markjii roobab mahiigaan ah oo watay dabeylo oo da’ay  sababeen in uu dhulka go’ ayna aasmaan dad iyo duunyo.

Musiibada ka dhacday dalka Itoobiya ayaana sababtay in ay aasmaan ayna dhintaan dad gaaraya 257-qof ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaa sidoo kale jiray dad kale oo la badbaadiyay oo musiibadan waxyeelo kale kasoo gaartay.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay oo Jimco aheyd ku dhawaaqday saddex maalin oo baroordiiq qaran ah, waxaana calanka dalkaasi loo dhigay hoos, si loo xasuusto loona xushmeeyo dadkii tirada badnaa ee ee ku dhintay dhul go’a dhacay.

Baroordiiqda ayaana dalka Itoobiya ka bilaabaneysa maanta oo Sabti ah, waxaana deegaanka musiibada ka dhacday dowladda wali ka wadaan howlo samatabbixin iyo gargaar ah, waxaana lala tacaalayaa dadkii ka badbaaday musiibada halkaasi ka dhacday,.

Deegaanka dhibaatada ka dhacday waxaa gaaray dad badan oo ka murugeysan eheladooda halkaasi ku dhintay, waxaana dadka ku dhintay musiibada laga soo saaray dhoobada hoosteeda , kaddib markii dhulka la go’ay ayna aasmeen.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles