Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha guud ee G/Banaadir oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaabay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/majid Daahir Aadan, kaasoo maanta xilka la wareegay.

Waa mas’uulkii labaad ee ka mid ah Madaxda Gobolka Banaadir oo xilka uu ka qaadayo Madaxweynaha, iyadoo dhawaan xilka laga qaaday xoghayihii guud ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay  Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles