Wednesday, April 29, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles