Xildhibaano diyaariyay Mooshin ka dhan ah RW Xamsa iyo Tirada xildhibaanada Wada

Warar soo baxay ayaa Sheegaya in Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan abaabul mooshin xilka looga tuurayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, marka uu furmo kalfadhiga Golaha Shacabka.

Mooshinkan oo ay diyaarinayaan xildhibaanno ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ayaa lagu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha fashil dhinaca siyaasadda ah, waxaana ololahan xooggan ee socda waxaa uu yahay qorshihiisa sidii uu u noqon lahaa mid Baarlamaanka ayna meel mariyaan.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare, oo kamid ah abaabulayaasha, ayaa sheegay in mooshinka ay hadda saxiixeen 120 xildhibaan, balse ay weli ka dhiman yihiin 20 mudane oo loo baahan yahay. Wuxuu xusay in la qorsheeyay in mooshinka lagu horgeeyo Golaha Shacabka 23-ka August, isagoo ugu baaqay xildhibaannada kale ee taageersan in ay la soo xiriiraan.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wadaan dadaallo lagu fashilinayo mooshinka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha, C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo ka falceliyay abaabulka socda, ayaa sheegay in qaylada ka jirta baraha bulshada ay shacabka ku filan tahay in ay ka jawaabaan, isaga oo ku eedeeyay mucaaradka “tabar la’aan” isla markaana tilmaamay in haddii ay awood hayn lahaayeen ay arrinta ku sugi lahaayeen fagaaraha Baarlamaanka.

Mooshino la mid ah kan hadda socda ayaa hore loogu doonay in xilka looga qaado Xamse Barre, hase ahaatee waxay ku dhammaadeen fashil, kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay gashay dadaallo ka dhan ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles