Wednesday, June 24, 2026

Dad tacsi ka soo laabtay oo shil gaari ku geeriyooday

Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad tacsi ah ayaa ku burburay galbeedka Kenya, waxaana ku dhintay 25 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Darawalka ayaa xakameyn waayay gaariga, waxa uuna ka baxay waddada waxa uuna ku rogmaday bohol ku teedsan waddada weyn ee Kisumu-Kakamega galabnimadii Jimcaha, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliiska.

Deegaankan ayaa caan ku ah shilal badan oo dhimasho sababay. Booliska ayaa sheegay in 10 haween ah, 10 rag ah iyo hal gabar yar ay ku dhinteen goobta, iyadoo 20 ka mid ah rakaabka ay ku dhaawacmeen, oo shan ka mid ah ay halis yihiin.

Afar qof ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Rakaabka ayaa ka soo laabtay goob uu aas ka dhacayay, waxaana la rumeysan yahay in dhammaan ay ka soo jeedaan hal qoys.

Sababta shilka dhalisay weli ma cadda, sida uu booliisku sheegay.

Gaariga wuxuu ahaa gaari dugsiga sare ee iskuul uu leeyahay, balse wax arday ah ma saarneyn maaddaama loo adeegsaday in lagu soo qaado dadka tacsida ka qeyb galayay.

Baska ayaa kasoo laabaty munaasabad aas ah oo ka dhacaysay deegaanka Nyahera wuxuuna kusii jeeday Nyakach, oo isu jiray qiyaastii 62 km (38.5 meyl).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles