Turkiga oo DFS ku wareejisay dhismaha xero cusub oo ay leeyihiin Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

Dhismahan cusub ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah abaabulka, tababarka iyo howlgalada ciidamadeenna geesiyaasha ah.

Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumayso dadaalka joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, laguna dhisayo kaabayaal casri ah oo ka jawaabi kara baahiyaha difaaca qaranka.

Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ka mid ah laf-dhabarta difaaca dalka, waxaana la filayaa in xeradan cusub ay sare u qaaddo waxqabadka, isku-duubnida iyo hufnaanta shaqo ee guutadan muhiimka ah.

Geesta kale, Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dhismaha xeradan cusub ee ay yeelanayso Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ku jira dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles