Wednesday, June 24, 2026

Turkiga oo DFS ku wareejisay dhismaha xero cusub oo ay leeyihiin Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

Dhismahan cusub ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah abaabulka, tababarka iyo howlgalada ciidamadeenna geesiyaasha ah.

Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumayso dadaalka joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, laguna dhisayo kaabayaal casri ah oo ka jawaabi kara baahiyaha difaaca qaranka.

Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ka mid ah laf-dhabarta difaaca dalka, waxaana la filayaa in xeradan cusub ay sare u qaaddo waxqabadka, isku-duubnida iyo hufnaanta shaqo ee guutadan muhiimka ah.

Geesta kale, Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dhismaha xeradan cusub ee ay yeelanayso Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ku jira dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles