Wednesday, June 24, 2026

Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday Deegaanka Tardo ee Hiiraan

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyey deegaanka istiraatiijiga ah ee Tardo, oo ku yaalla bariga gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan hoggaanka ciidanka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in duqeyn gaar ah lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa in la beegsaday waxa ay Al-shabaab ugu yeeraan Waaliga ee Gobolka Hiiraan lagu dilay duqeynta.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada iyo magacyada dadka lagu beegsaday.

Deegaanka Tardo ayaa dhowaan waxaa la wareegay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay halkaasi ka baxeen ciidanka Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Wararkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobolka Hiiraan uu weli ka socdo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles