Tuesday, March 3, 2026

Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamo Imaaraadka tababareen

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Carmo ayaa tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah.

Madaxweynaha  Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhameystay oo maanta lagu dhaariyay fagaarihii Xafladda xiritaanka tababarka, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan kuwo wixii aqoon ah ee la baray ku anfaca dalkooda iyo dadkooda. Isagoo xusay sida Dowladda Puntland uga go’antahay dhismaha Ciidamada, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo Dowladda Puntland ka taageertay tababarka, wuxuu boggaadiyay dadaalka taliska Ciidanka Booliska, Saraakiisha , Macalimiinta iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay intuu socday tababarka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka, Saraakiishada Ciidanka, Maamulka Gobolka Bari , kan degmada Carmo , Fanaaniinta PUNTBAND iyo Bulshada degmada Carmo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles