DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

War ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo ciidanka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen), Howlgalkan ayaana ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.”Ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi lagu daray “Dhagarqabaha la dilay oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta waxaana uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.”

Horjoogahan la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) ayaa qoraalka lagu sheegay in horay uu u soo noqday:

* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,

* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,

* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,

Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

“Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka, Dilkiisu ayaana caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.”

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.”

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles