Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka dhismaha cusub ee xarunta Baarlamaanka Galmudug, oo dhawaan la soo gabagabeeyay, isla markaana loo arko mid muhiim u ah xoojinta awoodda sharci-dejinta iyo maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa ee maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto aragtiyaha iyo talooyinka ku aaddan xaaladda guud ee gobolka.

Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay mid ku saabsan dardar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah AS, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles