Tuesday, June 23, 2026

Shiinaha oo shaacisay qorshe cusub oo ay ku soo jiidanayso dhallinyarada

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku soo jiidanayso dhallinyarada hibada u leh cilmiga iyo tiknoolajiyada, iyadoo bilaabi doonta fiiso gaar ah oo loogu talagalay dhalinyarada hal-abuurka leh.

Fiisadan cusub ayaa u oggolaan doonta aqoonyahanno da’yar iyo hal-abuurayaal ka kala imanaya dalal kala duwan inay si fudud ku galaan Shiinaha, halkaas oo ay ka heli doonaan xarumo casri ah oo loogu talagalay cilmi-baarista, hal-abuurka iyo tababarrada xirfadeed.

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay istiraatiijiyadda Shiinaha ee ku wajahan hoggaaminta horumarka tiknoolajiyada caalamka, iyadoo xoogga la saarayo meelaha ay ka mid yihiin sirdoonka macmalka ah (AI), bay’oolojiga, iyo horumarka dhijitaalka ah.

Khabiirro ayaa tilmaamay in arrintani ay Shiinaha u noqon karto fursad uu ku xoojiyo saameynta caalamiga ah ee dhinaca sayniska iyo tiknoolajiyada, xilli ay tartan adag kala jiraan dalal kale oo awood leh.

“Mustaqbalka maanta wuxuu si toos ah ugu xirnaan doonaa cidda hoggaamisa tiknoolajiyada,” ayay ku warrantay Xinhua, iyadoo muujisay sida Shiinaha ugu heelan yahay inuu noqdo xarunta ugu weyn ee hal-abuurka mustaqbalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles