Ajaanibtii ugu badnaa oo Daacish ah oo lagu dilay Buuraha Cal-miskaad ee G/Bari

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in howlgalada ciidamadeedu ka wadaan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari lagu dilay ku dhowaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore, halka Soomaalida ku dhimatay ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Xogtan waxaa shaaca ka qaaday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda, oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Sky News. Dhabancad ayaa weriyaha Sky News, Alex Crawford, tusay baasaboorrada dagaalyahanno ka kala yimid in ka badan 20 waddan oo ku biiray kooxda Daacish.

Dagaalameyaasha ayaa ka yimid qaar ka tirsan Yurub, Ameerika, Afrika iyo Aasiya. Qaar ka mid ah waxay dalka ku soo galeen qaab sharci darro ah ama si ay uga dhiganayaan qaxooti, halka kuwo kale ay xeebaha Yemen kaga soo gudbeen doomaha tahriibka.

Puntland ayaa sheegtay in hadda 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad la ciribtiray, tirada harsanna ay aad u kooban tahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles