Axmed Madoobe oo qaaday talaabo ka sii daraysa xiisada Gedo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa tallaabo siyaasadeed oo culus qaaday, isagoo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Gedo.

Macalimuu oo ka soo jeeda Gobolka Gedo, ayaa muddo dheer ka hawlgalayay gobolka Gedo, wuxuuna door muuqda ku lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka jiray. Waxaa lagu tilmaamaa siyaasi awood leh, kuna adag go’aannadiisa, iyadoo dadka aqoonta u leh ay aaminsan yihiin in magacaabistiisu wax weyn ka tari karto qorshaha Axmed Madoobe ee ku wajahan gobolka.

Xiisadda siyaasadeed ee Gedo ayaa weli taagan, maadaama inta badan degmooyinka gobolka sida Garbahaarey, Beledxaawo, Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere ay si toos ah ugu hoos jiraan dowladda Federaalka, halka degmada Doolow ay weli ku sugan yihiin xubno Jubbaland ka tirsan oo taageero ka helaya ciidamada Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo gobolka Gedo u gaar ah, si ay ula loolanto maamulka Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa halkaas u dirtay Cabdirashiid Janan, oo dhowaan dagaal kaga adkaaday ciidamada Jubbaland markii uu ku sugnaa Beledxaawo.

Magacaabista Macalimuu ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee gobolka, waxaana xusid mudan in sanadkii 2020-kii uu isaga u matalayay dowladda Federaalka dagaalkii Beledxaawo, halka Cabdirashiid Janan uu markaas u dhashay Jubbaland. Taas ayaa ka dhigaysa mid xiiso leh haddii ay maanta labada nin mar kale si toos ah isku horfadhiistaan, balse iyagoo kala matalaya dhinacyo ka soo horjeeda – Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Lama oga waxa ay magacaabistan ka beddeli karto xaaladda cakiran ee gobolka Gedo, balse waxaa shaki la’aan ah in Macalimuu uu yahay siyaasi saamayn iyo taageero ballaaran ku leh bulshada gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles