Ajaanibtii ugu badnaa oo Daacish ah oo lagu dilay Buuraha Cal-miskaad ee G/Bari

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in howlgalada ciidamadeedu ka wadaan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari lagu dilay ku dhowaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore, halka Soomaalida ku dhimatay ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Xogtan waxaa shaaca ka qaaday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda, oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Sky News. Dhabancad ayaa weriyaha Sky News, Alex Crawford, tusay baasaboorrada dagaalyahanno ka kala yimid in ka badan 20 waddan oo ku biiray kooxda Daacish.

Dagaalameyaasha ayaa ka yimid qaar ka tirsan Yurub, Ameerika, Afrika iyo Aasiya. Qaar ka mid ah waxay dalka ku soo galeen qaab sharci darro ah ama si ay uga dhiganayaan qaxooti, halka kuwo kale ay xeebaha Yemen kaga soo gudbeen doomaha tahriibka.

Puntland ayaa sheegtay in hadda 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad la ciribtiray, tirada harsanna ay aad u kooban tahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles