DFS oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani ayaa ka warbixayay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.

“Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijta” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha mudane Xirsi Gaani waxa uu xusay abaabulka dagaal ee xilligaan ka bilowday gudaha dalka,gaar ahaan gobolada Sh/Hoose,Sh/Dhexe iyo Hiiraan,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo kahortagga khawaarijta iyo sidii looga ciribtiri lahaa dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles