DFS oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani ayaa ka warbixayay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.

“Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijta” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha mudane Xirsi Gaani waxa uu xusay abaabulka dagaal ee xilligaan ka bilowday gudaha dalka,gaar ahaan gobolada Sh/Hoose,Sh/Dhexe iyo Hiiraan,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo kahortagga khawaarijta iyo sidii looga ciribtiri lahaa dalka.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles