Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Garoowe

Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan uu dagaal culus uu ku dhexmaray duleedka Bari ee magaalada Garoowe ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay agagaarka Beerta 22-aad ee Magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib israsaaseyn dhexmartay maleeshiyaad hubaysan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu Salka ku hayay muran dhuleed oo u dhexeeyay koox hubeysan.

Ciidamada ammaanka ayaa la soo werinayaa inay tageen goobta uu dagaalka ku dhexmaray maleeshiyaadka hubeysan.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles