Netanyahu oo sheegay in ay burburiyeen qasriga madaxtooyada magaalada Sanca ee Yemen

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada cirka ee Israa’iil ku qaaday Sanca ay burburiyeen qasriga madaxtooyada ee magaalada Sanca, iyo sidoo kale xarunta korontada.

Wuxuu ku adkaystay in kooxda oo ay taageerto Iiraan “ay hadda bixinayso dadaal culus oo ku saabsan weerarradii ay ku qaadi laheed Israa’iil.”

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in la beegsaday goobo ku yaalla caasimadda Yemen, waxaana bayaan ay warbaahinta Reuters baahisay lagu sheegay in la bartilmaameedsaday xarumo ay ka mid yihiin qasriga madaxtooyada oo ku dhex yaalla xarun ciidan, laba xarumood oo koronto, iyo goob kaydka shidaalka ah.

Wakaaladda wararka Yemen ee Saba ayaa horey u sheegtay in laba qof ay dhinteen, shan kalena ay dhaawacmeen, taasoo ahayd tirada khasaare hordhac ah oo ka dhashay weerarkii Israa’iil ku qaaday xarunta Shirkadda Shidaalka Yemen ee ku taalla waddada 60-aad ee koonfur-galbeed Sanca.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles