Kenya oo sheegtay in la dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Talaadada kadib markii ay ciidamada gaarka ah ee Kenya Defence Forces (KDF) ku weerareen dhagax-maal (ambush) deegaanka Lacta Mangai ee ku yaalla gudaha kaynta ballaaran ee Boni, ee Lamu.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdan ay qorsheynayeen inay weeraraan saldhig ciidan oo ku yaalla aagga, hase ahaatee, ciidamada gaarka ah ayaa ka hortagay dhagartaas iyagoo ku socda howlgal xog-ogaal ah.

War kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay xero ku-meel-gaar ah oo ay kooxdaasi ka samaysteen gudaha kaynta, halkaas oo lagu dilay shantii xubnood, iyadoo qaar kalena dhaawac ku baxsadeen.

Inta lagu guda jiray hawlgalka, ciidamada ayaa soo qabtay hub iyo qalab fara badan oo ay kooxdu u adeegsanayeen weerarrada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Qoryaha AK-47,

Qalab RPG ah oo leh madaxyadooda,

Xabbado rasaas ah,

Qorraxda ku shaqeeya (solar panels),

Teendhooyin,

Iyo walxo lagu farsameeyo qaraxyada dhulka lagu aaso (IEDs).

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdaasi qorsheynaysay in ay qaraxyada ku aasaan waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada, si ay u geystaan khasaare culus oo dhimasho iyo burbur ah.

KDF ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay mid lagu sugayo amniga keynta Boni , kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, lana xaqiijiyo in qoysasku ku noolaadaan iyagoo aan cabsida argagixisada ka welwelin.

Ciidamada ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada shaki leh, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab. Waxaa la sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diray aagga, si loo burburiyo xerada kale ee ay kooxahaasi dhisanayaan.

Howlgalka cusub ayaa yimid iyadoo wali laga dareemayo cabsi ku saabsan isku dayga Al-shabaab ee ay kaga samaysanayaan saldhigyo gudaha kaynta Boni.

15-kii July 2025, saddex askari oo KDF ah ayaa lagu dilay, toddoba kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii gaarigooda uu ku qarxay miino lagu aasay wadada Kiunga–Sankuri ee Lamu.

Howlgalka  ayaa weli socda, si gebi ahaanba looga xoreeyo Al-shabaab kaynta Boni iyo deegaanada ku xeeran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles