Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo dhul boobka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareysay xarigii iyo afduubkii ciidamada booliiska ee degmada Xamar Weyne ugu geysteen Nabadoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, kaasi oo ka hor yimid boobka iyo barakicinta ay dowladdu ka waddo magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa ku tilmaantay xariga Nabadoon Xaadoole mid sharci-darro ah oo ka dhashay mowqifkiisa geesinimada leh ee uu kaga horyimid boobka dhulka iyo hantida shacabka, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay muujinayso dulqaad yarida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo isku day lagu caburiyo codka shacabka.

“Xorriyadda hadalku waa xuquuq dastuuriyan la ilaaliyo, mana bannaana in qof lagu ciqaabo difaacista hantida iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha.

Sidoo kale, Madasha Samatabixinta waxay ugu baaqday Madaxweynaha inuu joojiyo boobka iyo barakicinta shacabka Muqdisho, halka shacabka Soomaaliyeedna loogu baaqay inay si mideysan ugu istaagaan difaaca dhulkooda iyo hantidooda.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles