Wednesday, April 29, 2026

70 qof oo tahriibayaal ahaa oo badda ku dhintay

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay badda kadib markii doon siday muhaajiriin ah ay ku degtay xeebaha Galbeedka Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Gambia Xalay. Dhacdadaan ayaa ka mid noqonaysa shilalkii ugu xumaa sanadihii u dambeeyay ee ka dhaca waddada muhaajiriinta ee loo maro Yurub.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ilaa 30 qof oo kale laga cabsi qabo inay dhinteen kadib markii doon kale, oo la rumeysan yahay inay ka baxday Gambia isla markaana sida muwaadiniin u badan reer Gambia iyo Senegal, ay ku degtay xeebaha Mauritania subaxdii Arbacadii la soo dhaafay.

Doonidaasi waxay waday ilaa 150 rakaab ah, 16 ka mid ahna waa la badbaadiyey. Mas’uuliyiinta Mauritania ayaa soo helay 70 mayd Arbacadii iyo Khamiistii, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dhimashadu ay dhaaftay 100 qof, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Waddada socdaalka ee Atlantic-ga oo ka bilaabata xeebaha Galbeedka Afrika una gudubta jasiiradaha Canary ee dalka Spain, ayaa ah mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan adduunka ee ay maraan muhaajiriinta Afrikaanka ah.

In ka badan 46,000 muhaajiriin sharci-darro ah ayaa gaaray jasiiradaha Canary sanadkii hore, sida uu sheegay ururka Midowga Yurub.

In ka badan 10,000 oo qof ayaa ku dhintay iyaga oo isku dayaya safarkan, taas oo ka dhigan koror dhan 58% marka la barbardhigo sanadkii 2023, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Caminando Fronteras.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles