Wednesday, June 24, 2026

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sucad dilka kawada baraha bulshada

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda, aflagaadada, sumcad dilka, isku dirka bulshada, faafinta muuqaallo anshax-xumo, been abuur iyo kicinta bulshada dhexdeeda, kuwaas oo qaar maxkamad la horgeeyay halka kuwo kalena ay wali ku socdaan baaritaanno.

War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska ayaa lagu sheegay in falalka noocan ahi ay khatar weyn ku yihiin xasilloonida bulshada, sumcadda dadka iyo kalsoonida guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa si cad u digay, isagoo ku wargeliyay cid kasta oo ku kacda falal ka horjeeda shuruucda dalka in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono. Waxaa lagu adkeeyay in loo baahan yahay ilaalinta sharafka, sumcadda iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, xafiisku wuxuu xusay in ilaalinta sharciga iyo ka hortagga dambiyada sumcad dilka iyo aflagaadada ku saleysan ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles