Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sucad dilka kawada baraha bulshada

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda, aflagaadada, sumcad dilka, isku dirka bulshada, faafinta muuqaallo anshax-xumo, been abuur iyo kicinta bulshada dhexdeeda, kuwaas oo qaar maxkamad la horgeeyay halka kuwo kalena ay wali ku socdaan baaritaanno.

War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska ayaa lagu sheegay in falalka noocan ahi ay khatar weyn ku yihiin xasilloonida bulshada, sumcadda dadka iyo kalsoonida guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa si cad u digay, isagoo ku wargeliyay cid kasta oo ku kacda falal ka horjeeda shuruucda dalka in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono. Waxaa lagu adkeeyay in loo baahan yahay ilaalinta sharafka, sumcadda iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, xafiisku wuxuu xusay in ilaalinta sharciga iyo ka hortagga dambiyada sumcad dilka iyo aflagaadada ku saleysan ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah.

WARARKII KALE

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles