Wednesday, August 19, 2026

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin, oo loo haystay fal dil iyo dhaawac culus oo ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2023.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambiga dilka Alifle NISA Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow), iyo dhaawaca Dable NISA Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Alifle NISA Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), weerar ka dhacay 20-kii June 2023, xilli saqdhexe oo ay hurdayeen marxuumka iyo dhaawacyadu.

Warbixinta maxkamadda ayaa muujisay in eedeysanuhu ku dooday muran dhul oo kala dhaxeeyay marxuumka inuu sabab u ahaa dilka. Ka dib falkaas, Buulle ayaa ka baxsaday magaalada Kismaayo, isaga oo isku dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii dowladdu siisay, halkaasna looga duubay muuqaal uu ku aflagaadeeyay marxuumka.

Kadib muddo uu ku dhuumaaleysanayay, ayaa ciidamada ammaanka ka soo qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, 19-kii April 2025.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa maanta ku dhawaaqday in Maxamed Buulle Muumin lagu xukumay dil toogasho ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles