Wednesday, August 19, 2026

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Laamiga Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo maraya heer gabo-gabo ah.

Intii uu ku sugnaa goobta, Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka raalli geliyay ciriiriga ka dhashay dhismaha waddadan iyo dib-u-dhaca ku yimid, isagoo xusay in sababta ay tahay roobka xilliga iyo in shirkadda dhismaha lagula heshiiyay in ay dhisto laami tayo sare leh oo aysan biyuhu fariisan karin.

“Waxa aan ka xumahay saxmadda ka dhalatay dhismahan, waana ka warqabnaa cabashadiinna. Sababta dib-u-dhaca ayaa ah in aan dhisno laami tayo leh oo aysan biyuhu fariisan karin. Waa in 48 saac gudahood laamigaan lagu furo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Kormeerka maanta waxaa Duqa Muqdisho ku wehlinayay: Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles