Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin, oo loo haystay fal dil iyo dhaawac culus oo ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2023.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambiga dilka Alifle NISA Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow), iyo dhaawaca Dable NISA Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Alifle NISA Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), weerar ka dhacay 20-kii June 2023, xilli saqdhexe oo ay hurdayeen marxuumka iyo dhaawacyadu.

Warbixinta maxkamadda ayaa muujisay in eedeysanuhu ku dooday muran dhul oo kala dhaxeeyay marxuumka inuu sabab u ahaa dilka. Ka dib falkaas, Buulle ayaa ka baxsaday magaalada Kismaayo, isaga oo isku dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii dowladdu siisay, halkaasna looga duubay muuqaal uu ku aflagaadeeyay marxuumka.

Kadib muddo uu ku dhuumaaleysanayay, ayaa ciidamada ammaanka ka soo qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, 19-kii April 2025.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa maanta ku dhawaaqday in Maxamed Buulle Muumin lagu xukumay dil toogasho ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles