Tuesday, August 18, 2026

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu gubay magaalada Muqdisho daroogo halis ah oo lagu soo qabtay Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde, kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in la baabi’iyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo ay ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen dekedda iyo garoonka.

“Waxaan maanta gubnay daroogo aad u halis badan oo loo keenay dalka si sharci darro ah, waxaana qabashadeeda ka qeyb qaatay hey’adaha ammaanka. Nuucaan daroogada ah waa mid sababi kara cudurro halis ah sida Kansarka. Waxaan uga digeynaa ganacsatada Soomaaliyeed inay bulshada ku halligaan maandooriye,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Dhankiisa, Cabdirashiid Ismaaciil Nuur, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna Madaxa Waaxda La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Daawooyinka Khataraha ah, ayaa sheegay in habraacii sharci ee maxkamaddu amartay lagu fuliyey gubitaanka.

“Daroogadaan aan maanta gubnay waa ka khatar badantahay kuwii hore la qabtay. Cidii soo dejisay waa la xiray, waxaana wajahayaan cadaaladda. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayay si gaar ah u halis gelinaysay, sidaas darteed waa in bulshada laga badbaadiyaa,” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeenka.

Xeer-ilaalintu waxay uga digtay ganacsatada iyo dadka ku lug leh ka ganacsiga maandooriyaha iyo badeecooyinka kale ee sharci darrada ah inay ka fogaadaan falalkaas, iyadoo lagu wargeliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dambiyadaas.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles