Tuesday, August 18, 2026

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsana Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqay in ay dileen madaxii amniyaadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo muddo dheer u qaabilsanaa Al-Shabaab qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisada ee ka dhaca Hirshabeelle.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in horjoogahan uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarro iyo qaraxyo badan oo lagu qaaday shacabka iyo ciidamada dowladda, isagoo si toos ah uga qayb qaatay qorsheynta falal dhiig badan ku daatay.

NISA ayaa ku tilmaantay dilka Caamir mid guul weyn u ah dagaalka lagu wiiqayo shabakadaha Al-Shabaab, isla markaana carqaladeynaya sahayda iyo isku xirka kooxda ee bartamaha iyo koonfurta dalka.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawir ama muuqaallo caddeynaya dilka horjoogahan, balse waxay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo aan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamadii fuliyay.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada NISA ayaa kordhiyay weerarrada qorsheysan ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ballan qaaday in lagu cirib tiro argagixisada dalka ka jirta.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles