Soomaali 600 gaareysa oo sanadkan magangalyo ka dalbanaya Austria

Iyadoo dalalka Yurub ay qaarkood bilaabeen inay dib u celiyaan Soomaalida ayaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah dowladda Austria waxay dalkeeda ka masaafurisay labo nin oo ka soo jeeda Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi. Labada nin ayaa laga dajiyay magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay la midoobeen qoysaskooda.

Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee APA in labada nin ay ahaayeen rag Austria dambiyo ka galay oo la xukumay, sidaa darteedna ay tahay in dalkooda dib loogu celiyo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira maandooriyaha.

Soomaali 600 gaareysa ayaa sanadkan dalbaday magangalyo

Soomaalida ayaa la sheegaa in ay soo galeen kaalinta saddexaad dadka magangalyada ka doonaya Austria toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2025.

Tiro gaareysa 648 qof ayaa u gudbiyay xafiiska magangalyo-doonka dalka codsiyo ay ku doonayaan magangalyo. Heerka aqbalaada sanadkan ayaa la sheegay in ay aheyd 44 boqolkiiba.

Soomaali tiradoodu gaareyso 463 ayaa la siiyay magangalyo. Intaa waxaa dheer in tiro kale oo gaareysa 334 loo ogolaaday in ay dalka joogaan iyadoo loo eegay haddii la celiyo in ay dhibaato la kulmayaan.

Sidoo kale waxaa sharciga deganaashaha bani’aadannimo la siiyay Soomaali kale oo 12 qof ah si ay dalka u sii joogaan.

Soomaaliya waxaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee tobannaanka sano ay ka jirtay xasilooni darro.

Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner iyo dhigiisa Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa shalay ka hadlay sidii dad badan looga celin lahaa mustaqbalka Austria iyo Jarmalka loona geyn lahaa dalalkooda.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles