Siyaasiintii ka baxay Madasha Samata Bixinta ayaa maanta si rasmi ah u qaatay shahaadada diiwaan-gelinta ee ururrada siyaasadeed ay sameysteen, si ay uga qeyb galaan doorashada qof iyo cod ee dowladda Soomaaliya qorsheyneyso.
Xubnaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa galabta guddoonsiiyay shahaadadaas 14 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay ku jiraan urur ay ku mideysan yihiin Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed, ayaa sheegay in shahaadooyinkan ay muhiim u yihiin hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka, isagoo xusay in ururrada qaar ay hoggaaminayaan siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh Soomaaliya.