Wednesday, September 10, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka qeyb galay Xuska Guushii uu Shiinaha ka gaaray Japan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Shiinaha isagoo xusay in guushaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo horseeday xorriyadda iyo horumarka Shiinaha ee maanta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha ay mudada dheer la garab taagneyd Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid qoto dheer oo wakhti badan soo jiray islamarkaana ku dhisan iskaashi, ixtiraam iyo dan-wadaag.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Shiinuhu uu mar walba ahaa saaxiib taariikhi ah oo dhab ah oo garab taagan shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag iyo kuwa wanaagsanba, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirkaas, iyadoo oo waliba laga fiirinayo danaha labada shacab iyo labada dowladood.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirka labada dal, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda horumarineed ee Shiinaha, si ay u gaarto horumar waara.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, wakiilo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjirayaasha iyo wakiiladda qaar ka mid ah dalalka caalamka u jooga dalkeena iyo marti sharaf kale.

WARARKII KALE

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed

Maalin kaddib markii ay Itoobiya si rasmi ah xarigga...

Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay...

Trump iyo Xamaas oo ka wadahadlay weerarkii ay Israaiil ku qaaday Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn”...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles