Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay 2 Nin oo ka tirsan Firxadka argagixisada Daacish Tagga Gaaca ee Baalade kuwaas oo doonayay in ay si dhuumasho ah ku galaan Magaalada Bosaaso.
Ciidanka ayaa ku daba jiray Rag kale oo ka tirsan Firxadka argagixisada kuwaas oo kasoo caraaray Jabka ay Ciidanka Dowladda Puntland u gaysteen argagixisada ee Daacish ee ku dhuumanaysa Buuraha Calmiskaat.
Ciidanka ayaa Howlgallo lagu xaqiijijinaayo amniga laguna daba joogo firxadka argagixisada Daacish ka sameeyay Togga.
Gabagabadii ciidanka Difaaca DPL ayaa iyo Gaaca ee Baalade kawada howgallo si loo qabto firxadka argagixisada ee raba in ay Galaan magaalada Bosaaso.