Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga arrinsanayey maalgelinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasillinta gobolka, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay muhiimadda taageerada howlgalka AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo howlgalka AUSSOM ay lama huraan u tahay adkaynta guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isla markaana ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda xasilloonida gobolka.

Dhankooda, madaxda kale ee shirka ka qaybgalay ayaa ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan xasilloonida, nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana ay garab istaagi doonaan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles