Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay inay dib u dayactiraan buundada muhiimka ah ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay hore u burburiyeen maleeshiyada Al-shabaab horaantii sanadkan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa gaaray deegaanka Bariire si uu u kormeero howlaha socda iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Intii uu joogay, Taliyuhu waxa uu indha-indheyn ku sameeyay goobaha muhiimka ah, gaar ahaan buundada dib loo dhisay, isaga oo ciidamada uga mahadceliyay sida ay shacabka ula garab taagan yihiin ilaalinta amniga iyo adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Gen. Khaalid waxa uu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, isaga oo bogaadiyay kaalintooda naf-hurnimada leh.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa caddeeyay in howlgalka “Duufaanta Aamusan” uu si xoogan uga socdo gobollada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, islamarkaana dhowaan laga xoreyn doono deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles