Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji (Carab), oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa si adag uga horyimid go’aanka lagu iibiyay dhulkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan qeyb ka mid ah Kulliyadda Caafimaadka ee Gaheyr.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintani tahay sharci-darro cad isla markaana dhaawac weyn ku ah mustaqbalka waxbarashada iyo caafimaadka dalka. “Waan aad uga xumahay, kana canbaareynayaa in si sharci darro ah loo iibiyo dhul Jaamacadeed oo muhiim ah, gaar ahaan Kulliyaddii Caafimaadka,” ayuu yiri Cabdullaahi Carab.
Wuxuu xusay in ay tahay nasiib darro weyn in goobihii waxbarashada la dayaco, iyadoo la fahmi la’yahay qiimaha iyo muhiimadda ay u leeyihiin ubadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka.
Xildhibaanku wuxuu soo bandhigay laba warqad oo caddeyn ah:
- Digniin ka timid Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (24 June 2025):
Warqaddan oo uu ku saxiixan yahay Prof. Xasan Cusmaan Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda ee xilka laga qaaday, ayaa lagu sheegay in dhulkii Kulliyadda Caafimaadka uu yahay hanti qaran loona baahan yahay in si adag loo ilaaliyo, lagana hortago boobka iyo xaraashka sharci darrada ah.
- Baaq uu soo saaray Xildhibaan Cabdullaahi Carab (09 September 2025):
Qoraalkan ayuu ku codsaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay degdeg uga hortagto iibinta dhulka, loona aqoonsado dhulka Jaamacadda Ummadda inuu yahay hantida qaranka oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.
Qoraalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay burburin ku bilaabeen Jaamacada Gaheyr Muqdisho.