Wednesday, June 24, 2026

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah si ay uga wada hadlaan ku xadgudubka Ruushka ee hawada Poland, sida lagu sheegay warbixin ay bahaisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Poland.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii habeenimadii xalay ay Warsaw, oo ay taageerayaan xulafada NATO, ay soo rideen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay kuwaas oo ku xadgudbay hawadooda Arbacadii.

Maalinta weerarka, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay sheegtay in aysan qorshayn weerar kasta oo lagu beegsanayo Poland, kadib markii Warsaw ay sheegtay in 19 diyaaradood oo drones ah oo Ruushku leeyahya ay galeen hawadeeda inta lagu guda jiray weerar habeen ah oo ka dhacay galbeedka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka sidoo kale waxay sheegtay in Poland ay faafinayso “sheekooyin been ah” oo ku saabsan weerarada diyaaradaha si ay “u kiciso colaadda Ukraine.” Si kastaba ha ahaatee, waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelano Wasaaradda Difaaca ee Poland”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ruushka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles