Thursday, September 11, 2025

Israa’iil oo ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku haray Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku hanjabay inuu dilayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan dalka Qadar haddii aan la masaafurin, taasoo dhalisay jawaab kulul oo ka timid dowladda Qadar.

Inkasta oo ay jirto dhaleeceyn caalami ah oo ka dhalatay weerarkii ka dhacay caasimadda Qadar, Netanyahu lama sheegin inuu si kas ah uga laabtay mowqifkiisa.

Arbaca, Netanyahu wuxuu sheegay in dalalku ay tahay inay “ku hambalyeeyaan” Israa’iil duqeymaha iyo dilalka ay ka geysaneyso meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah.

Hadalkaas ayaa yimid kadib markii weerar dhif ah ay Israa’iil ka fulisay gudaha Qatar, gaar ahaan magaalada Doha, kaas oo lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas, xilli ay socdeen wadahadallo ku saabsan xabad-joojin uu taageerayo Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa si kulul u cambaareysay hadallada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxayna ku tilmaantay “isku day ceeb ah … oo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo weerarkii foosha xumaa ee ka dhacay dhulka Qadar, iyo hanjabaado furan oo lagu dhaawacayo madax-bannaanida qaranka.”

“Netanyahu si buuxda ayuu uga warqabaa in xafiiska Xamaas laga furay Qatar isagoo ka duulaya dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen Mareykanka iyo Israa’iil laftooda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Qatar.

“Hadallada noocan ah kama duwan qof ku tiirsan aragtiyo xagjirnimo si uu u gaaro guulo siyaasadeed, iyadoo uu yahay qof ay raadinayaan hay’adaha sharciga caalamiga ah, islamarkaana wajahaya cunaqabatayn sii kordheysa oo sii go’doominaysa masraxa caalamiga ah,” ayay sidoo kale tiri dowladda Qatar.

Xilli ay arrimahani socdaan, waxaa muhiim ah in la xuso in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, Israa’iil weerarro ka fulisay Qasa, Lubnaan, Yemen, Suuriya, Tuuniisiya iyo Qadar, iyadoo sidoo kale sii wadey weerarrada maalinlaha ah ee ay ka wado Daanta Galbeed ee la haysto., Israa’iil waxay Yemen ku dishay 35 qof weerar ay halkaas ka fulisay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada...

DFS oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo agab kale

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania

Khilaaf dibloomaasiyadeed ayaa soo shaac baxay kadib markii Safaaradda...

Booliska Mudug oo gacanta ku soo dhigay nin xaaskiisa u dilay muran dhex maray

Ciidamada Booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug ee Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles