Wednesday, June 24, 2026

Israa’iil oo ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku haray Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku hanjabay inuu dilayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan dalka Qadar haddii aan la masaafurin, taasoo dhalisay jawaab kulul oo ka timid dowladda Qadar.

Inkasta oo ay jirto dhaleeceyn caalami ah oo ka dhalatay weerarkii ka dhacay caasimadda Qadar, Netanyahu lama sheegin inuu si kas ah uga laabtay mowqifkiisa.

Arbaca, Netanyahu wuxuu sheegay in dalalku ay tahay inay “ku hambalyeeyaan” Israa’iil duqeymaha iyo dilalka ay ka geysaneyso meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah.

Hadalkaas ayaa yimid kadib markii weerar dhif ah ay Israa’iil ka fulisay gudaha Qatar, gaar ahaan magaalada Doha, kaas oo lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas, xilli ay socdeen wadahadallo ku saabsan xabad-joojin uu taageerayo Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa si kulul u cambaareysay hadallada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxayna ku tilmaantay “isku day ceeb ah … oo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo weerarkii foosha xumaa ee ka dhacay dhulka Qadar, iyo hanjabaado furan oo lagu dhaawacayo madax-bannaanida qaranka.”

“Netanyahu si buuxda ayuu uga warqabaa in xafiiska Xamaas laga furay Qatar isagoo ka duulaya dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen Mareykanka iyo Israa’iil laftooda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Qatar.

“Hadallada noocan ah kama duwan qof ku tiirsan aragtiyo xagjirnimo si uu u gaaro guulo siyaasadeed, iyadoo uu yahay qof ay raadinayaan hay’adaha sharciga caalamiga ah, islamarkaana wajahaya cunaqabatayn sii kordheysa oo sii go’doominaysa masraxa caalamiga ah,” ayay sidoo kale tiri dowladda Qatar.

Xilli ay arrimahani socdaan, waxaa muhiim ah in la xuso in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, Israa’iil weerarro ka fulisay Qasa, Lubnaan, Yemen, Suuriya, Tuuniisiya iyo Qadar, iyadoo sidoo kale sii wadey weerarrada maalinlaha ah ee ay ka wado Daanta Galbeed ee la haysto., Israa’iil waxay Yemen ku dishay 35 qof weerar ay halkaas ka fulisay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles