Sunday, August 16, 2026

Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa salaadda Subax kaddib waxaa ay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Ceeldheer, halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan uu socdo dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka xoogiisa ayaa xiligan ka socda bannaanka degmada Ceeldheer sida dadka  ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray saddex sano ka hor december 2023-ka.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen degmada Ceeldheer.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles