Friday, September 12, 2025

Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqayntii cirka ee Talaadadii lagu qaaday caasimadda Qadar ee Doha, inkastoo aanay magacaabin Israa’iil inay ka dambaysay weerarkaas.

Dhammaan shan iyo tobanka xubnood, oo u ugu jiro Maraykanka, ayaa isku raacay bayaanka, kaasoo xoojinayay xasilinta xaaladda iyo ixtiraamka madaxbannaanida Qadar.

Washington ayaa caadi ahaan ka ilaalisaa Israa’iil tallaabooyinka ka dhanka ah ee Golaha Amniga, laakiin Madaxweyne Trump ayaa markan ka carooday weerarkii Israa’iil ee Talaadadii ka geysteen Doha, kaas oo lagu beegsaday saraakiil sare oo Xamaas ah oo halkaas deggan.

Aas qaran ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarka, inkastoo Xamaas ay sheegtay in hoggaamiyayaashooda sare ay ka badbaadeen.

 

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug oo hambalyeeyey guulaha Ciidanka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay...

Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa salaadda Subax kaddib waxaa ay weerar...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles