Wednesday, March 4, 2026

Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

Shir madaxeed degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu qabtay 15-kii Sebtembar 2025 magaalada Doha ee caasimadda Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa si xooggan loogu cambaareeyay falka Israa’iil, iyadoo lagu tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah nabadda iyo amniga caalamka. Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa muujiyay mowqif mideysan oo taageero buuxda u ah dowladda iyo shacabka Qatar, iyagoo ballanqaaday in la difaaco madax-bannaanida iyo amniga dalalka xubnaha ka ah.

Shir-madaxeedka ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobay ay tallaabo cad ka qaadaan xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil, kuwaas oo lagu sheegay inay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka iyo nidaamka cadaaladda caalamiga ah.

Madaxda Carabta iyo Islaamka ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee Qatar, iyagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada difaaca iyo ilaalinta karaamada dalalka Carabta iyo Muslimiinta, gaar ahaan taageerada qaddiyadda Falastiin.

Shirku wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay doorka ay dalalka sida Aljeeriya, Soomaaliya iyo Pakistan ka qaadanayaan difaaca qadiyadda Falastiin iyo ka hortagga gardarrada Israa|l ee Qaaa iyo gobolka.
Waxaa la xoojiyay taageerada Jordan ee ilaalinta goobaha barakaysan ee Qudus iyo sidoo kale kaalinta Morocco ee guddiga Qudus.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles