Waqooyi Bari oo ka digtay abaabul dagaal ay Somaliland wado

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada colaadeed iyo abaabulka dagaal ee ay wado Somaliland, kuwaas oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo nabadda Geeska Afrika.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland inay qorsheyneyso duullaan ka dhan ah deegaanada ay degaan shacabka nabadda jecel ee gobolka, taas oo ay sheegeen inaanay marnaba aqbali doonin.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay difaaca shacabkiisa iyo ilaalinta karaamada dhulka, isla markaana aanay ogolaan doonin in lagu xadgudbo xuduudahooda.

Sidoo kale, dowladda Waqooyi Bari ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo beesha caalamka inay si degdeg ah u cambaareeyaan qorshaha maamulka Hargeysa, ayna qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo khalkhalgelinta amniga gobolka.

Ugu dambeyn, maamulka Waqooyi Bari ayaa xoojiyay inay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaansho derisnimo, balse aysan marnaba aqbali doonin duullaan iyo faragelin ka baxsan soohdimaheeda.

WARARKII KALE

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles