Israa’iil oo ballaarisay howlgalkeeda Qaza, guddiga Qaramada Midoobay oo ku eedeeyay xasuuq

Ciidamada Israa’iil ayaa sii ballaariyay howlgaladooda ka socda Marinka Qaza, iyagoo kordhiyay duqeymaha iyo weerarada dhulka, taas oo sababtay khasaare culus oo soo gaaray shacabka rayidka ah.

Warbixin cusub oo ka soo baxday guddi gaar ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa si kulul ugu eedeeyay Israa’iil inay geysatay falal lagu tilmaamay xasuuq iyo jebinta sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Guddigu wuxuu sheegay in weerarada joogtada ah ee lagu beegsanayo guryaha, xarumaha caafimaadka iyo goobaha dadweynaha ay muujinayaan in Israa’iil aysan ilaalin karin masuuliyadda ay ka saaran tahay ilaalinta dadka rayidka ah.

Dadka degaanka Qaza ayaa wali wajahaya xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, iyadoo adeegyada caafimaadka iyo raashinka ay sii yaraanayaan, halka hay’adaha gargaarku ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo joojiyo weerarada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles