Tuesday, August 18, 2026

Waqooyi Bari oo ka digtay abaabul dagaal ay Somaliland wado

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada colaadeed iyo abaabulka dagaal ee ay wado Somaliland, kuwaas oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo nabadda Geeska Afrika.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland inay qorsheyneyso duullaan ka dhan ah deegaanada ay degaan shacabka nabadda jecel ee gobolka, taas oo ay sheegeen inaanay marnaba aqbali doonin.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay difaaca shacabkiisa iyo ilaalinta karaamada dhulka, isla markaana aanay ogolaan doonin in lagu xadgudbo xuduudahooda.

Sidoo kale, dowladda Waqooyi Bari ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo beesha caalamka inay si degdeg ah u cambaareeyaan qorshaha maamulka Hargeysa, ayna qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo khalkhalgelinta amniga gobolka.

Ugu dambeyn, maamulka Waqooyi Bari ayaa xoojiyay inay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaansho derisnimo, balse aysan marnaba aqbali doonin duullaan iyo faragelin ka baxsan soohdimaheeda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles