Guddoomiye Mungaab oo sheegay in la dhisi doono Wadada Warshadaha, Daallo iyo Fagax

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaab Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruuca dhismaha waddooyinkan ayaa si wadajir ah uga hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada Muqdisho ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ay ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in mudnaanta la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel fiican marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in dhowaan si muuqata wax looga qaban doono.

Dhanka kale, Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka in ay si wadajir ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud.

Munaasabadda xarig-ka-jarista ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiinta degmada Hawlwadaag.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles