Wednesday, June 17, 2026

Guddoomiye Mungaab oo sheegay in la dhisi doono Wadada Warshadaha, Daallo iyo Fagax

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaab Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruuca dhismaha waddooyinkan ayaa si wadajir ah uga hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada Muqdisho ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ay ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in mudnaanta la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel fiican marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in dhowaan si muuqata wax looga qaban doono.

Dhanka kale, Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka in ay si wadajir ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud.

Munaasabadda xarig-ka-jarista ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiinta degmada Hawlwadaag.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles